Pep Guardiola oo dib u eegis ku sameynaya taktikada Barca kadib guuldaradi Chelsea

 Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa sheegay guuldaradi kasoo gaartay kooxda Chelsea semi-finalki koobka Champions League in ay ku qasbi doonto in uu badalo qorsha ciyaareedki lagu yaqaanay.

Macalinkan u dhashay dalka Spain ayaa ku adkeystay in inkastoo ay hareen hadana ciyaareen ciyaar ciyaar dhaaftay, balse nasiibku uu ka hiiliyey.

“Waan in aan wax ka gudbiyaa habkaan waalida ah, ee ah weerarka, weerarka, weerarka, laga yaabee inuu yahay cashar mustaqbalka danbe ah, waxaana nagu waajib ah in aan raadino hab kale oo weerar ah oo kan kasii fiican,” ayuu yiri.

41 jirkaan ayaa dhanka kale sheegay inuu go,aan ka gaari doono inuu kooxda la sii joogayo iyo inuusan cusbooneysiin doonin heshiiska, waxa uu mar u saxiixay heshiis kordhin tan iyo marki uu ku biiray kooxdan ka dhisan garoonka Nou Camp sanadki 2008, waxaana mar lala xiriiriyey kooxda Chelsea xiligii uu liic liicayey macalinki hore Andre Villas-Boas.

Barcelona ayaa xalay si layaab leh uga hartay tartanka dhamaadka ah ee Champions League, iyadoo ay wali kasii dhex yeereysay dhegteeda guuldaradi qaraareyd ee Sabtidi kasoo gaartay kulanki El Calsico oo ay 2-1 ku garaacday Real Madrid.