Pedro: Messi waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee abid arko

Weeraryahanka kooxda  Barcelona Pedro ayaa aaminsan Messi in uu yahay xiddigga ugu wanaagsan dunidda, markii xaley uu ku guuleestay abaalmarinta Ballon d’Or oo ah markii afaraad oo la siiyo ciyaaryahanka reer Argentina.

Pedro ayaa ku tilmaamay Lionel Messi oo ay hal koox kawada tirsan yihiin ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee abid arko.

Messi ayaa ka adkaaday Cristiano Ronaldo iyo Andres Iniesta markii xaflad ka dhacday magaalada  Zurich uu xaley ku guuleestay ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa sannadkii hore 2012-ka.

Xiddigga reer Spain Pedro ayaa qiray Messi in uu u qalmay in uu noqdo xiddigga ugu wanaagsan adduunka markii afaraad oo isku xigga.

“Waxan rabaa in la wadaago farxadda Messi oo ku guuleestay  Ballon d’Or  waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee aan arko abid,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo u qabtay Pedro.

Ciyaaryahankan ayaa dhaliyay goolkiisa koobaad tan iyo bishii August markii ay kooxdiisa 4-0 kaga badisay  Espanyol Axadii la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in uu rajeenayo siddii uu sii wadi lahaa goolasha maadama uu goolkiisii koobaad uu dhaliyay xilli ciyaareedkan.

25-jirkan ayaa ayaa ka hadla kulan koobka Copa del Rey oo ay la ciyaari doonaan kooxda Cordoba khamiista soo socota, waxana uu rajeeyay in ay guul ka gaari doonaan ciyaartaas oo ka dhici doonta garoonka Camp Nou.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here