Paul Scholes oo United kula taliyay ineey lasoo wareegaan Antoine Griezmann

Halyeeygii hore Manchester United Paul Scholes, ayaa aaminsan in ay muhiim tahay in United ay lasoo saxiixato weeraryahanka Atletico Madrid Antonie Griezmann, sii uu badal ugu noqdo joogdheeraha reer Sweden Zlatan Ibrahimovic, kaasoo da’da ka daba timid.

Scholes ayaa aaminsan in Zlatan uu Old Traford kusii sugnaan karo ilaa hal xili ciyaareed oo kale, sidaas darteedna lagama maarmaan tahay in United ay lasoo saxiixato badalkiisa, waxaana uu u arkaa in Antonie Griezmann uu ku habooyahay inuu buuxiyo booskaas.

js105430099

Xidiga reer France ayaa 85 kulan uu kasoo muuqday La Liga waxa uu naadigiisa Atletico u dhaliyay 50 Gool, waana mid kamid ah weeraryahanada hada ugu halista badan.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here