Paul Scholes oo soo xusuusiyey taageerayaashiisa waagi uu yaraa

Paul Scholes ayaa saxiixay mid ka mid ah goolashi uu dhalin jiray waayadi uu yaraa kadib marki uu dib ugu soo laabtay garoomada.

Laacibkaan ayaa sanadki hore iska casilay ciyaaraha, hase yeeshee dib ayuu ugu soo laabtay galabta ayuuna dhaliyey goolkiisi ugu horeeyey ee kooxda Manchester United tan iyo marki uu dib ugu soo laabtay ciyaaraha.

Laacibkaan qadka dhexe ayaa todobaadki hore lagu arkay garoonka marki ay United ka codsatay inuu kabaha dib u gashto kooxdana badbaadiyo maadaama ay dhaawacyo badan kaga maqan yihiin dhowr ciyaaryahan.

Waxa uu ka mid ahaa 3 laacib oo galabta 3-0 u dhiibay kooxda Bolton kulan ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska ee Premier League, goolasha kalana waxaa qeybsaday Danny Welbeck iyo Michael Carrick.

Guusha ay gaartay United waxay u dirtay in ay booska hore la dagto kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City oo laakin uu kulan u harsanyahay.

Goolhayaha Bolton Adam Bogdan ayaa ka badbaadiyey gool ciyaaryahan Wayne Rooney kadib marki Zat Knight uu riday Welbeck, hase yeeshee Scholes ayaa u furay bandhiga goolasha ka hor qeybti hore ee ciyaarta.

Welbeck ayaa labeystay daqiiqadi 75-aad, halka goolka sadexaad uu meel shabaqa u jirto 30 yards uu ka toogtay ciyaaryahan Carick daqiiqadi 83-aad ee ciyaarta.

Scholes oo ah 37 jir waa lagu bilaabay ciyaarta maadaama ay dhaawac ku maqanyihiin xidigaha kala ah,  Phil Jones iyo Chris Smalling.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.