Patrice Evra oo fariin u diray Ronaldo

Difaaca kooxda Ingiriiska Manchester United  Patrice Evra ayaa ugu baaqay  Cristiano Ronaldo in uu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore.

Ciyaaryahankan 27-jirka ee reer Portuguese ayaa ahaa ciyaaryahan weerrarka si wayn uga gacan siiyay kooxdiisa hore ee  Man United sannadkii  2009, laakin wuxuu uga biiray kooxda Spain ee  Real Madrid markaas oo uu noqday mid ka mid ah xiddiggaha ugu caansan dunidda ee ku xamaasha kubadda cagta.

Ciyaaryahanka ayaa tan iyo markii uu yimid waddanka Spain, Ronaldo wuxuu dhaliyay 170 goal,  169 –ciyaarood oo uu ciyaaray, waxana uu noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badab

“Waqti badan ayaa isku dayay in ciyaaryahanka uu dib ugu soo laabo kooxdiisii hore, wali waa laga jecelyahay Manchester United, waana ciyaar yahan aan tabnay ,” ayuu Evra u sheegay  MUTV..

“Waa cayaaryahan door ah oo aad u yaqaan kubadda maxaa yeelay intii uu joogay kooxda  Real Madrid, wuxuu jabiyay rikoorka u yaalla, marka waa cayaaryahan mudan in uu ku soo laabyo garoonka Old Trafford.” Ayuu yiri mar kale Evra.

“Marka loo barbardhigo Ronny halkan, isaga ayaa aad loo jecelyahaya haddii ay ahaan lahaayeen ciyaartoyda ama taageerayasha” ayuu ku sii daray Evra.

“Waxa aan rajeenayaa in uu dib ugu soo laaban doono kooxdiisii hore, haddii uu ku guuleesto abaalmarinta Golden Ball (Ballon d’Or) dib ayuu ugu soo laaban doonaa kooxda Manchester United.”ayuu markale sheegay Evra.

Si kastaba, labada koox ee Manchester United   iyo Real Madrid ayaa isku arki doona horiyaalka kooxaha Yurub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here