Pato oo si rasmi ah ugu biiray Corinthians

Xiddigga reer  Brazil ayaa dib ugu soo laabtay koonfurta America kaddib markii uu ka tagay  San Siro oo uu joogay tan sannadkii 2007,waxana la xiray lacambarka 7-aad ee kooxda heesata koobka kooxaha adduunka.

Waxa uu kooxda Corinthians la saxiixday heshiis afar sano ah, isagoona ugu soo biiray 15 million euros oo la siiyay kooxdii hore ee Rossoneri.

40% lacagta lama bixin sida ay lee yihiin dalaaliinta ku howlaan howsha ka iibsiga ciyaaryahanka.

“Dhammaan waxan u rajeenayaa dadkii aan ku bartay kooxda horrumar, waan u mahadcelinayaa dhammaantood laga soo bilaabo guddoomiyaha kooxda  [Silvio Berlusconi] iyo dhammaan dadka kale ee ku sugan Milan, waan soo wadashaqeenay sannado badan waan ka xumahay in aan katago  ,” Pato  ayaa sidaas ku yiri war lagu qoray website-ka kooxda.

“Waxan u socdaa kooxda Corinthians ee dalka Brazil halkaas oo la ii sheegay in ay taallo fursad la iiga baahan yahay.ma ahan wax si fudud aan ku hilmaami doono kooxd Milan. Waxan ahay mid xiran fanaanada kooxda Rossoneri , waxan kaloo lee yahay taageerayaasha kooxda macsalaamo.

“Warqadeena waxana idinku lee yahay dhammaan tiin waa mahadsan tihiin” ayuu yiri

Xiddiggan ayaa kooxda Milan u ciyaaray illaa 150-kulan tan iyo markii uu yimid San Siro sannnadkii2007, waxana uu dhaloyay illaa 63 –gool.

23-jirkan ayaa ka mid ahaa xiddiggihii la sheegay in ay ka tagayaan Milan bishan January horiyaalka Serie A-da waxa soo raaca  wiilka kale ee isku waddanka ka soo jeedaan ee  Robinho.

Xafiiska Wararka Midnimo,

webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here