Pato oo lagu daray liiska Milan ee wajaheysa Barcelona

Kooxda Milan ayaa ku dartay ciyaartooydeeda kala ah Alexandre Pato, Alessandro Nesta iyo Christian Abbiati liiska 21-ka ciyaartooy ee ay kula shartagi doonto kooxda Barcelona Talaadada soo aadan.

Waxaa jiray shaki ah in sadexdooduba aysan ciyaari karin sababo la xiriira alamiinto la,aan iyo dhaawacyo hayey daraadood, hase yeeshee waxaa lagu daray liiska iyaga iyo Ignazio Abate and Kevin-Prince Boateng oo kooxda kusoo laabtay iyaguna.

Pato waa uu ka maqnaa garoomada mudo bilooyin ah dhaawac daraadiis, todobaadki hore waxa uu jiray magaalada Atlanta, Georgia dalka Mareykanka halkaas oo uu u tagay dhaqtar ku taqasusay dhaawacyada ciyaartooyda , dhaqtarkaasi waxa uu sheegay inuu caafimaad qabo.

Milan ayaa u safri doonto garoonka Camp Nou, lugti hore ee San Siro waxay kusoo gaba gabowday 0-0.

Kulankaasi waxa la xaqiijiyey inuu garsoori doono garsoore u dhashay dalka Holland oo la yiraahdo Bjorn Kuipers.

Kooxda Milan:Abbiati, Amelia, Piscitelli, Abate, Antonini, Bonera, De Sciglio, Mesbah, Mexes, Nesta, Zambrotta, Yepes, Ambrosini, Aquilani, Boateng, Emanuelson, Nocerino, Seedorf, El Shaarawy, Ibrahimovic, Maxi Lopez, Pato, Robinho.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.