Pato oo doortay kooxdii uu u-ciyaari lahaa

Weerrar yahanka reer Brazil  Alexandre Pato ayaa ugu dambeen doortay kooxda uu u ciyaari lahaa, kaddib markii ay soo baxeen in uu ka tagao kooxda ka dhisan waddanka Talyaaniga ee Corinthians.

Sida laga soo xigtay wakiilkiisa ciyaaryahanka waa uu ka tagi doonaa kooxda Rossoneri, isagoona u baqoolaya koonfurta America, marka lagaaro  January 2013-ka.

Alexandre Pato dhowr jeer oo horrey ayaa la isla dhexmaraayay in uu ka tagayo kooxda AC Milan, laakin hadda waa hubaal sidaas waxa yiri wakiilka ciyaaryahanka.

Madaxwayne ku-xigeenka kooxda Rossoneri Adriano Galliani ayaa sheegay in xiddiggan uu rabo inuu sii joogo horiyaalka Seri si marka la gaaro xaggaga u aado waddanka Brazil.

“Pato waxa uu doortay kooxda Corinthians,” sidaas waxa u sheegay Sky Sport 24 Gilmar Veloz isagoo intaas ku daray in uu ciyaaryahanka go’aansaday in uu dib ugu laabto waddanka  Brazil.

“Waxa aan fahmay in Pato u baahan yahay in uu ka tago kooxda isagoona aadaya koox kale waliba waaa kooxda Corinthians.” Sidaas waxa kaloo yiri Galliani.

Isagoo intaas ku daray in uu soo dhaweynayo cayaaryahanka in uu ku biro kooxda  Corinthians.

Laakin weli waxa jira wax yaabo aan la shaacin oo ah in labada koox kaddibna saxaafadda ayey la hadli doonaan marka uu ciyaaryahan Pato ku biiray kooxda ka dhisan waddankiisa.

Si kastaba, Milan waxa kaloo ka socda Robinho oo ah ciyaaryahan kale oo u dhashay waddanka Brazilia isagoona ka tagaya kooxda ka dhisan  San Siro, weerrar yahankii hore Manchester City iyo Real Madrid lama sheegin halka uu mustaqbalkiisa yaalo.

Xafiiska Ciyaaraha Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here