Paro oo biyo qabow ku shubay ku biiritaanka PSG

Weeraryahanka kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka tagi doonin naadiga xilli galabta ay warbaahinta dalka France qoreen inuu qarka u saaranyahay heshiis uu la galo kooxda Paris Saint-Germain.

Wareysi uu caawa bixiyey ayuu ku sheegay in Milan ay tahay sidi gurigiisa oo kale isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu arbushaad ku sameeyo xirfadiisa ciyaareed iyo mustaqbalkiisa.

Wargeysyada ayaa sheegay in PSG ay miiska saartay aduun lacageed oo gaaraya €35 million si ay u hesho 22 jirkaan u dhashay dalka Brazil kuna soo barbaaray garoonka San Siro.

“Milan waa gurigeyga, ma rabo in aan iska qaso xirfadeyda kooxda Rossoneri kadib laba koob oo aan la qaaday, waxaan rabaa in aan door ku yeesho oo aan galo taariikhda kooxda Milan aad ayaana ugu faraxsanahay,”  ayuu yiri.

Pato ayaa ugu danbeynti u mahad celiyey gudoomiyaha Milan [Silvio] Berlusconi, dhamaan maamulka kooxda iyo taageerayaasha oo sheegay in ay yihiin kuwo mar walba rumeysan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.