Paris:Nin midi qoorta kaga muday Askari Faransiis ah

Nin midi ama qalabka afka leh ee Kartoonada lagu jeexo laad laadinaya, ayaa qoorta kaga muday askari Faransiis ah oo ku sugnaa meel u dhow xaruunta dalkaas ee Paris.

Afhayeenka Booliska Faransiiska, ayaa sabtidii shalay sheegay tilmaamaha ninkii weerarka geystay.

Madaxweynaha Faransiiska Hollande, ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku raad joogo ninkii weerarka geystay,islamarkaasna uu eegayo dhamaan waxyaabaha dhici kara, sida in weerarka uu xiriir la leeyahay dilkii dhawaan kadhacay magaalada London ee lagu dilay askari Britain u dhashay .

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyay dalka Ethiopia, halkaas uu kaga qayb galayo munaasabada aas aaska midowga Afrika.

Maamulka Faransiiska yaa sheegay in Askarigu uu fiicanyahay, waxaana uu weerarka dhacay mar uu ilaalinayay goob laga adeegto waxaana la joogay 2 Askari oo kale.

Is midiyeentan ayaa dhalisay wal wal ah in laysaga daydo kadib weerarkii Arbacadii lagu dilay Askari Britain u dhashay iyadoo dharaar cad la joogo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here