PSG oo is-hortaagtay Real Madrid in ay la wareegto Carlo Ancelotti

Kooxda Paris St-Germain ayaa ku gacan seertay dedaal ay wado kooxda Real Madrid taasoo dooneysa in ay la soo wareegto tababaraha naadiga Faransiiska, Carlo Ancelotti.

“Real waa ay noo timid waxaana aan ka wada-hadalnay arrinta Ancelotti,” sidaas waxaa yiri madaxweynaha kooxda PSG Nasser al Khelaifi. “Heshiiska waxaa ka dhimman hal sanno iyo wax ka badan wuxuu halkan joogi doonaa sannadka dambe.”

Tababaraha Real Jose Mourinho ayaa si wayn loola xiriirinayaa kooxdiisiii horre ee Chelsea xaggaagan.

Dhinaca kale, Xidigga reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu mustabalkiisa uu ku dhameen doono kooxda horiyaalka Faransiiska ku guuleesta ee PSG.

Ancelotti, ayaa shaqada laga ceyriyay Chelsea bishii May 2009 markii uu wax ka yer hal xilli ciyaareed, kooxda  PSG ayaa markii ugu horreysayy horiyaalka dalkeeda ku guuleesatay tan iyo sannadkii 1994 toddobaadkii hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here