Pandev oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Napoli

Napoli ayaa xaqiijisay in ay si rasmi ah u iibsatay weeraryahanki amaahda ugu joogay ee kooxda Inter Milan Goran Pandev kadib war ay galabta ku shaacisay bogeeda internetka.

Heshiiska ay labada koox ku kala wareegeen laacibkaan ayaanan la ogeyn, hase yeeshee Pandev ayaa qalinka ku duugay qandaraas gaarayaa ilaa iyo sanadka 2015.

28 jirkaan ayaa ku qarash gareeyey xilli ciyaareedki lasoo dhaafay kooxda Napoli oo uu si amaah ku joogay, waxa uu u dhaliyey 7 gool 48 kulan oo uu saftay dhamaan tartamnadi uu ciyaaray.

Heshiiska ciyaaryahankan ayaa u muuqda mid ay Napoli uga gaashaamaneyso suurtagalnimada in ay ka tagaan gooldhaliyaashooda Edinson Cavani iyo Ezequiel Lavezzi oo aanan hubneyn mustaqbalkooda.

Pandev ayaa ku biiray Inter bishi Janaayo sanadki 2010 markaas oo uu kaga yimid Lazio, laakin wuxuu ka waayey boos joogta ah taasi ayaana ku qasabtay in ay Inter iska amaahiso.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.