Pady Ankunda: ‘Isku biiristi Shabab iyo AL Qacida waxba masoo kordhineyso’

Afhayeenka ciidamada Amisom ee jooga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan waxba soo kordhin doonin isku biiristi Al Shabaab iyo Al Qaacida.

Pady Ankunda oo saakay la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho  ayaa tilmaamay in Amisom ay sii wadi doonto dagaalada ay kala soo horjeedo Al Shabaab.

“Waa wax horay usii jiray ma ahan wax cusub waayo Al Shabaab waxay horay u ahaayeen Al Qaacida mana jirto wax ay kusoo kordhin doonto arrintaasi,” ayuu yiri.

Afhayeenka Amisom ayaa carabka ku adkeeyey in ay xooga saari doonaan wajiga labaad ee dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab kadib marki ay soo gaba gabeeyeen wajigi koowaad oo ay ku qabsadeen magaalada Muqdisho.

Al Shabab ayaa todobaadki hore ku dhawaaqay in ay la midoobeen ururka Al Qaacida.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.