Ozil oo garoomada ka maqnaayay muddo seddax toddobaad

 

Ozil oo garoomada ka maqnaayay muddo seddax toddobaad
Ozil oo garoomada ka maqnaayay muddo seddax toddobaad

Tababbarraha Arsenal, Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay maanta oo Jimco ah in Mesut Ozil uu garoomada ka maqnaan doono muddu ku siman seddax toddobaad, kaddib markii uu ku dhaawacmay Seedda lugta.

Cayaaryahanka reer Germany ayaa ku dhaawacmay qaybtii horre ee lugta labaad ee cayaartii ay la yeesheen horiyaalka Yurub ee Bayern Munich Salaasadii, iyadoo warbaahinata ay muujiyeen in cayaaryahanka siddii la rabay aanu u cayaarin.

Balse dhaawaca soo gaaray Ozil had waa uu ka horeeyay cayaartii arbacada siddaas waxaa sheegay Wenger oo yiri xilligaas cayaaryahanka in uu ka maqnaado cayaarta ayuu doonayay.

“Ugu yaraan seddax toddobaad ayuu garoomada ka maqnaan doonaa,” Tababbarraha The Gunners-ka ayaa u sheegay wariyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here