Olole Nadaafadeed oo ka bilowday Xaafadaha Magaalada Jowhar

Olole Nadaafadeed oo ka bilowday Xaafadaha Magaalada Jowhar
Olole Nadaafadeed oo ka bilowday Xaafadaha Magaalada Jowhar

Olalahaan Nadaafadeed ayaa maanta waxaa uu si toos ah ugu biloowday Xaafadaha Magaalada Jowhar iyadoo Haweenka Xaafada horsed ay shegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay ugu soo celin lahaayeen Bilicda Magaalada Jowhar.

Haweenka ku nool Xaafada Horseed oo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Jowhar ayaa waxaa Ololahaani nadaafadeed ku garab tagnaa Agaasimaha Bilic soo celinta Magaalada Jowhar Mudane Canshuur Cali Nuur , Xoghaya Dowlada Hoose ee Degmada Jowhar Mudane Baashir Axmed Gacaneey.

Hadal kooban oo ay saxaafada siyeen xiliga uu socday Ololahaani Nadaafaeed ayaa waxaa ay aad ugu mahadceliyeen Haweenka Xaafada Horseed sida ay isugu soo xil qaameen sidii loo soo celin lahaa Bilicda Magaalada Jowhar ee Xarunta G/sh/dhexe.

Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe & kan Degmada Jowhar ayaa waxaa ay mudooyinkaan ku dadaalayeen soo celinta bilicda & Quruxdii Magaalada Jowhar iyadoo Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar la tartansiinayo midii ku guuleysatana Abaal marin la siin doono.

9b8d1713-ba0f-48f6-af0b-4321c2735a99
fa609a3f-ba8e-403c-91e5-680ff4445593

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here