Ololaha wacyi gelinta cudurka Daacuunka oo Muqdisho ka bilowday

Waxaa maanta Jimcihii magaalada Muqdisho ka bilowday olole loogaga wacyi gelinayo dadka qatarta cudurka coleera ama Daacuunka kaasi oo laga sheegay caasiamada.

Ololahaan oo ay iska kaashanayaan wasaarada caafimaadka dowlada KMG iyo hey’ada WHO ayaa waxaa ujeedkiisu yahay sidi kor loogu qaadi lahaa wacyi gelinta cudurkaan iyo xanuunada kale ee faafa sida shuban biyoodka.

Cudurka Cholera ayaa shaac ka ah Soomaaliya, sanadihi lasoo dhaafay waxaa jiray dadaalo dadka Mqudisho gaar ahaan kuwa barakaca ah lagu siinayay biyo nadiif ah iyo sidoo kale in loo helo meelo nadaafadoodu ay hagaagsantahay.

Ma jirin qatar badan oo uu cudurka ku hayey shacabka Muqdisho tan iyo sanadki 2007 oo uu si weyn uga dilaacay Muqdisho iyo nawaaxigeeda markaasi waxaa uu haleelay ilaa iyo 67,000 qiyaastii.

Hada WHO waxay leedahay waxaa jirta qatar cudurkan kasoo soo socato oo sabab u ah dagaalada iyo bara baxa ku yimid dad badan oo ku nool Muqdisho iyo qaar kale oo u barakacay magaalooyinka kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com