Oktoober Bishii dhimashada U Badneyd Tahriibayaasha Gala Yeman

tahriibayaal1

Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegay inay Tahriibayaal iyo Magangelyo-doonayaal badan ay geeriyoodeen xilli ay doonayeen inay gaaraan Xeebaha dalka Yemen.

Afhayeenka UNHCR, oo lagu magacaabo William Spindler ayaa hadalkaasi sheegay, mar uu shalay Suxufiyiinta kula hadlay Xafiiska Dhexe ee UNHCR ku leedahay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in shilkii ugu dambeeyey uu dhacay bishan October, iyadoo 64 Tahriibayaal Soomaali ah iyo saddex Naakhuude wada geeriyoodeen kadib, markii ay doonidoodii ay la socdeen kula degtay Badda Gacanka Cadmeed ee u dhexeysa W/bari Somalia iyo Yemen.

Waxa uu intaasi ku daray inuu shilkaasi ahaa midka keliya ee ay dad badan ku geeriyoodaan sannadkan.

Afhayeenka UNHCR waxa uu faahfaahin ka bixiyey Taxanaha Shilalka ay Tahriibayaasha sannadkan kala kulmeen Badda Yemen, wuxuuna xusay in Bishii June ee la soo dhaafay, 62 qof oo Somali u tahriibaysay Yemen ageeriyoodeen.

Waxa uu intaasi ku daray inay Bishii Maarso ee la soo dhaafay ay 44 qof ku waayeen noloshooda Xeebaha Yemen.

Afhayeenka UNHCR, waxa uu tilmaamay inay Tiradda Tahriibayaasha Soomaalida ee sannadkan ku geeriyootay Xeebaha Yemen tiradooda caga-cagaynayso 215-qof.

Dhinaca kale, Hay’adda UNHCR waxay soo bandhigtay tiradda Tahriibayaasha cusub ee doonyaha ku gaaray dalka Yemen, iyadoo ay bishii September ee la soo dhaafay noqotay bisha ay Tahriibayaasha badan soo gaaraan Yemen, kuwaasi oo tiradooda guud dhan tahay 12,768 qof.

Inta badan Tahriibayaashaasi waxay u kala dhasheen dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea.

Waddanka Yemen waa dalka keliya ee ku yaalla Gacanka Carbeed ee saxiixay Heshiiska Caalamiga ee Qaxootiga sannadki i1951-kii, waxaana dalka Yemen haatan qaxooti ahaan ugu nool 246,000 oo kala bar ay yihiin Qaxooti Somali ah, waxaana wehliya tiro yar oo u kala dhalatay dalalka Ethiopia, Eritrea, Iraq iyo Syria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here