Odoyaasha Shirka Kismaayo Oo Kacabanaya Faragalin Shisheeye

Odoyaasha shirka Kismaayo ee maamul u samaynta Jubbaland, ayaa kacabanaya faragalin shisheeye oo lagu haayo howlahooda.

Suldaan Xuseen Xasan Naaleeyen, oo kamid ah Salaadiinta loo soo xulay ineey wax kadhisaan maamulka loogu magaca daray Jubaland, oo lahadlayay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaanba shirkaasi ay qaadaceen, hadii ay yihiin salaadiintii loo soo xulay ineey ka qayb qaataan maamulka loo sameeynayo Jubbaland.

Suldaan Naaleeye ayaa sheegay in Ergadii ama dadkii loogu talagalay shirkaas aysan kasoo qayb galin, waxa uuna sheegay in ay jiraan shaqsiyad gaar ah oo lasoo xulay, kuwaasoo damacsan in xili kasto ay iyaga hogaanka u qabtaan maamulka ladamacsanyahay in loo sameeyo Jubooyinka.

Suldaanka ayaa doowlada ugu baaqay ineey soo faragaliso arinta maamul usamaynta Jubooyinka.

Sidoo kale Suldaanka ayaa waxa uu sheegay in urur goboleedka IGAD, ay wataan dadka hada u ololeeynaya in maamul sameeyo Jubooyinka, ayna damacsantahay in IGAD danaha ay leedahay ay ka fushato dadkaas.

Suldaanka ayaa sheegay, in dadka hada ololaha ugu jira maamul usamaynta Jubooyinka ay IGAD ka keentay dalal dibada ah, haba ugu badnaadeene dalka aan dariska nahay ee Kenya.

“Dadka wax loo dhisahayo maba ahan dad udhashay deegaanka, waxaa laga kala keenay NFD iyo Ethiopia” ayuu yiri Suldaan Naaleeye.

Bishii aynu soo dhaafnay 28-keedii ayay ahayd markii gudoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo, Axmed Madoobe, uu daaha ka furay shir loogu magac daray mamul u samaynta Jubbaland, balse maalin kadib uu shirkaas gabi ahaanba xirmay, waxaana sababaha u dib ugu dhacay kamid ahaa, in ay soo dhameystirmi waayeen Ergadii loogu tala galay in shirkaasi ay ka qayb galaan, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay goboladaas ay ka socdeen waan waan lagu xalinayo mamulada kajira Juboyinka iyo Gedo si looga wada dhaadhiciyo in hal maamul loo sameeyo goboladaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

1 COMMENT

  1. dowlad jubaland waxaa dhisanaaya shacabka degaanka
    ninkii raba ha iska hadlo dano gaar ah ayaa laga leeyahay
    sheekadaas raqiiska ah shirka kismayo ka socda
    ma hor istaagi karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here