Odoyaasha Hiiraan: Abgaal diid ma nihin, Jowhar diidna ma nihin, laakiin xawaadle Jowhar uma socoyo

Waxgaradka Hiiraan
Waxgaradka HiiraanDCIM100MEDIA

Xubno ka tirsan Odoyaasha iyo waxgaradka Hiiraan oo shir ku yeeshay magaalada Balad-weyne, ayaa qaadacay shirka maanta ka furmaya magaalada Jowhar, Odoyaashan ayaa ku dooday in Madaxweyne Xasan Shiikh uu balan uga baxay.

Odoyaashan oo uu hormuud u ahaa Dacar Nuur Xirsi, ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu uga baxay ballan uu horay ula galay.

“Xasan Shiikh Isagoo Hiiraan ku dhashay oo halkaan yimid ayuu ballanki nooga baxay, hadaan Beesha Xawaadle nahay Jowhar uma socono” sidaas waxaa yiri mid kamid ah Oday dhaqameedyada shirka ka qeyb galay.

“Annaga Abgaal diid ma nihin, Jowhar diidna ma nihin, cidii na diiday ayaan diidnay , Xawaadle Jowhar uma socdo” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here