Odowaa oo tegay Jowhar iyo shirka maamul u samaynta H. & Sh/dhexe oo hakad kujira

Wasiirka arimaha gudaha "Odowaa"
Wasiirka arimaha gudaha “Odowaa”

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen magaalada Jowhar.

Wafdiga wasiirka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar halkaasoo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, intaas kaddib waxaa loo galbiyay xarunta shirka maamul u sameynta gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in wafdiga wasiirka ay ka mid yihiin odayaal dhaqameed ka soo jeeda gobalka Hiiran gaar ahaan beesha Xawaadle kuwaas oo qaadacay ka qeybgalka shirka ka socda Jowhar.

Dhinaca kale waxaa hakad ku jira shirka maamul u sameynta gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kadib markii beelo hor leh ay ka baxeen shirka maadama ay saluugeen hanaanka uu hadda shirka ku socdo iyo beelaha qaar wax loo riixayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka ayaa todobaadkan magaalada Jowhar ku daahfuray wajiga labaad ee shirka maamul u sammeynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here