Odinga oo duray natiijada doorashadii Madaxtinimada Kenya

R/wasaarahii hore ee wadanka Kenya Raila Odinga, ayaa maanta maxkamada sare ee wadankaas u gudbiyay cadeeymo uu ku sheegayo in Natiijada doorashada madaxtinimada dalkaas ka dhacaday, ee uu ku guuleystay Uhuru kenyata tahay mid xaaraan ah, oo wax lays daba mariyay.

Uhuru Kenyata ayaa ku guuleystay codad dhan 50.7%, halka Odingana uu ka helay 43.28%, taasoo ah farqi aad isugu dhow.

Odinga, ayaa gudiga doorashooyinka dalkas ku eedeeyay ineey wax isdaba marin sameeyeen.

Booliska Kenya, ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala raacdeeyay taageerayaasha Odinga, kuwaasoo dalbanayay in markale dib loo tiriyo codadka doorashooyinka.

Uhuru Kenyata oo hada ah madaxweynaha wadanka Kenya iyo saaxiibkiisa oo ah kuxigeenkiisa William Rutu, ayaa labadaba waxaa danbiyo ku haysta maxkamada Danbiyada dagaalka ee ICC, waxaana loo haysta ineey lug ku lahaayeen dagaalo ahli ah oo ay dad badan ku dhinteen, kuwaasoo dhacay xiligii doorashada 200-2008.

Xujo Adag:

Qareenada odinga, ayaa maxkamada sare ee dalka Kenya u gudbiyay dacwooyin ka kooban, wax isdaba marin dhanka tirirnta codadka ah, diiwaangalinta dadka codeeynayay, iyo qalabkii lagu tirinayay codadka oo halaabay.

Odinga oo wariyayaasha kula hadlayay Nairobi, ayaa sheegay in dhamaan waxyaabaha ay ka dacwoonayaan ay yihiin kuwo taabanaya dhaman wixii la xaqiijiyay, oo ay kujirto doorashadii dhawaan dhacday, waxa uuna taageerayaashiisa ugu baaqay ineey is dajiyan oo ay ka fogaadaan wixii dhibaato keeni karta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here