Odinga oo canbaareeyay beegsiga Soomaalida Kenya

dnRailaCOVER1010d-598x350R/wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, ayaa si aad ah u canbaareeyay qaabka ay ciidamada Booliska Kenya ula tacaamuleen Muslimiinta Mombasa iyo Soomaalida degan Xaafada Islii.

Odinga oo wareysi siinayay Mareegtada Nairobinesw isagoo ku sugan Magaalada Boston, Massachusetts, ayaa waxa uu sheegay, inuu aad ula yaabay sababta ay Laamaha Amaanka u beegsadaan Soomaalida Islii iyo Qaxootiga.

“Wadada ay xukuumada u martay raadinta kuwa lagu tuhmayo Argagixisada oo kaliya maahan qaladka, ee waxaa ka dhalan kara dhibaato fog, mana haboona in ciidamada loo fasaxo beegsiga mid kamid ah Qowmiyadaha dalka Kenya” sidaasi waxaa yiri Raila Odinga.

Odinga ayaa sheegay in kuwa falalka Argagixisada ka geysta Kenya aysan Soomaali oo kaliya ahayn, balse la arkay kuwo katirsan Qowmiyadaha kale oo falal Argagixiso geysanaya.

“Horay waxaan u aragnay dhalinyaro kasoo jeeda Qabiilada Luo, Luhya, Kikuyu, oo maxkamada Kenya loo soo taagayo falal la xiriira Argagixisnimo” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Ilaa 4,000 Soomaali ah ayay ciidamada Amaanka isbuucii lasoo dhaafay ku xir xireen Nairobi, howlgalo inta badan laga sameeyay Xaafada Soomaalida ku badantahay ee Islii.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya Joseph ole Lenku, oo shalay shir jaraa’id qabtay, ayaa beeniyay in Boolisku ay beegsadaan dadka Muslimka ah iyo Soomaalida oo kaliya.

Dhanka kale Odinga ayaa wareysigiisa Doowlada Kenya uga digay beegsiga dad gooni ah.

 

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here