Odinga: “Hadii leey doorto ciidamada Kenya waan kasoo saari doonaa Soomaaliya”

Odniga oo sheegay hadii la doorto inoo ciidamada Kenya kasoo saarayo Soomaaliya
Odniga oo sheegay hadii la doorto inoo ciidamada Kenya kasoo saarayo Soomaaliya

Hoggamiyayaha Isbahaysiga CORD ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu dhawaan siiyey Telefishinka Aljazeera ee Xaruntiisa dhexe ku taallo caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna sheegay haddii uu ku guuleysto Madaxtinimadda Kenya inuu muddo hal sanno ah Ciiddanka Kenya kaga soo saari doono gudaha Somalia.
Waxa Uu sheegay inuu rumeysan yahay haddii Ciiddanka Kenya ka soo baxaan Somalia inay yaraan doonaan weeraradda Alshabaab ku hayaan dalka Kenya, wuxuuna intaasi ku daray in weeraradda Alshabaab kordheen markii ay Ciiddanka Kenya gudaha u galeen Somalia sannadkii 2011-kii.

Children watch as members of the Kenya Defence Forces attend prayers to pay respects to the Kenyan soldiers serving in the African Union Mission in Somalia (AMISOM), who were killed in El Adde during an attack, at a memorial mass at the Moi Barracks in Eldoret, January 27, 2016. Photo/REUTERS

Raila Odinga oo raja ka qaba Doorashadda Madaxtinimadda Kenya ka dhacayso sannadka soo socda, waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Ciiddanka Kenya ka soo saari doono Somalia iyo inuu wax ka qaban doono Musuqa naafeeyey Dowladnimadda Kenya.

Waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inuu isagu laaluush bixiyey, balse aanu qaadanin Laaluushka, oo uu xusay inay qeyb ka noqotay Nolosha Xafiisyadda Dowladda Kenya.

Dhinaca kale, Raila Odina oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday dalka Kenya, waxa uu tilmaamay haddii loo doorto Madaxweyne inuu xabsiga dhigi doono Saraakiisha Dowladda ee lagu helo falalka Musuqa iyo Laaluushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here