Oddo oo ciyaaraha ka fariistay

Daafacii hore ee kooxda AC Milan Massimo Oddo ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay guud ahaan ciyaaraha kubada cakta, si uu noqdo tababare ama agaasime ciyaareed.

War uu ku qoray bogiisa internetka ayuu ku shaaciyey inuu iska siibay kabaha kubada cakta isla markaana go,aansaday inuu barto xirfada tababaranimada ama in uu qabto doorka agaasimaha.

Laacibkan ka ciyaari jiray baalka midig ee difaaca ayaa 14-ka bishani noqonaya 36 jir, waxaana uu usoo ciyaaray kooxo fara badan sida Milan, Napoli, Verona, Lazio, Bayern Munich iyo Lecce.

Oddo waxa uu ka mid ahaa laacibiinti xulka Talyaaniga la qaaday koobka aduunka sanadki 2006.

Hada waxa uu ka mid yahay dad qaadanayo kooris xaga tababaranimada ah oo laga qaato FIGC.