Odayaasha reer Puntland oo sharaxay sababihi ay uga baxeen Shirka ka socda Muqdisho

Odayaashi u matalayey Puntland Shirka ka socda Muqdisho oo shalay isaga baxay ayaa ka hadlay sababihi keenay in ay caroodaan, isla markaana dib ugu soo laaban doonaan hadii la xaliyo.

Afhayeenka Isimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa sheegay in mar walba ay u diyaar yihiin shir walba oo umada dan u ah ka qeyb galaan, isagoo tilmaamay in hanaankii uu ku socday shirka wada tashiga Dastuurka la hareer maray.

“Anaga qodobada qaar ma aanan arkin, mana dooneyn in wax aan xal u aheyn umada inaan ka qeyb galno, hadii wax laga bedelo qodobada qaar, diyaar waxaa u nahay inaan ka qeyb galno oo aan dib ugu laabano”ayuu yiri Garaad C/llaahi Cali Ciid.

Shalay ayay aheyd markii diyaarad ay ka qaaday Muqdisho Isimo ka socday Puntland ee ka qeyb galayay shirkii lagu soo xulayay ergooyinka ansixinaya Dastuurka, hase ahaatee markii qodobo qaar la isku qabsaday ay shirka ka baxeen.

Waxaa isa soo tarayay qodobada dastuurka ku qornaa oo shacabka soomaaliyed ay aad uga soo horjeedeen, waxaana taasi ay dib u dhigtay soo xulidii ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka qabyo qoraalka.

Dhinaca kale Wasaarada Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ayaa sheegtay inay wax ka bedeli doonto qodobada qaar ee xasaasiyada dhaliyay, kaasoo Puntland ay qaadacday.

Warqad sir ah oo laga helay Xafiiska Madaxweynaha Puntland, taasoo uu u qoray beesha Caalamka ayaa ka muuqatay sida Puntland uga soo horjeedo Dastuurka qabyo qoraalka, markii meesha laga saaray qodobo iyaga dan u ahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.