Odayaasha dhaqanka oo su,aalo weydiiyey Madaxweyne Sharif

Odayaasha dhaqanka ee ku shirayo magaalada Muqdisho ayaa maanta su,aalooyin ku saabsan dastuurka weydiiyey madaxweyne Shariif.

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha looga fadhiyo in ay soo xulaan ergooyinka ansixin doono dastuurka ayaa sheegay in ay Sheekh Shariif wax ka weydiiyeen dastuurka oo ay sheegeen in ay ku arkeen qodobo ay u arkeen in ay qaldanyihiin.

Dhanka kale, madaxweynaha oo maanta qudbad u jeediyey odayaasha ayaa uga ka codsaday in ay dar dar geliyaan howlaha loo igmaday ee ah in ay kasoo shaqeeyaan sidi ay usoo xuli lahaayeen ergooyinka odayaasha.
Wasiiru dowlaha Dastuurka ee dowlada KMG Soomaaliya Xasan Maxmed Jimcaal oo kulanka joogay ayaa sheegay in Sheekh Sharif uu ka dalbaday in ay dar dar geliyaan howlahooda.

“Maanta howlka odayaasha waxaa yimid madaxweyne Sharif oo kulan dheer la qaatay odayaasha, isla markaana kaga warbixiyey safarki Dubai waxa kale oo uu kala hadlay dar dargelinta howlaha shaqo iyo in ay si dag dag ah u fariistaan gudigi dastuurka iyo kuu hubin lahaa soo xulista ergooyinka baarlamaanka,”  ayuu yiri wasiirka.

Waqtiga loo qabtay in lagu dhameystiro heshiiski roadmap-ka ayaa u muuqda mid sii dhamaanayo iyadoo aaney waxba ka qabsoomin jawdawlki lagu soo go,aamiyey shirki Addis Ababa.