Odayaasha Dhaqanka Muqdisho oo ku eedeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya in ay Shacabka ay Dhibaateeyaan

Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ayaa ugu baaqay dowlada wadanka Soomaaliya in ay hakiso dhibaatada ciidamada dowlada  ay ku hayaan Shacabka aan waxba galabsan maalin iyo habeen dhaca iyo boobka u geystaan,

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed mar uu lahadlayay Saxaafada muqdisho ayaa waxa u saraakiisha ciidamada dowlada soomaaliya loogu baahan yahay in ay ilaaliyaan anshaxa iyo dhowritaanka xaquuqda shacabka Soomaaliyeed .

Maxamed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay wax ka qabtaan tacadiyada ciidanka Dowladda ay ugeesanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay ciidamada Dowlada Soomaaliya ay u ekaadaan kuwa qaran oo aan dadka dhibaateyn saraakiisha arimahaaasi inay xooga saaraan looga fadhiyo.

Hadalkaan ka soo baxay odayaasha dhaqanka soomaaliyee ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheen dhibaatada ciidamada dowlada soomaaliya ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed halka laga doonayay,

Waxaana ugu danbeyntii baaq ay u jeediyeen Saraakiisha dowlada Soomaaliya in ay wax ka qabtaan idhibaatadaan inta ay dadka aafeeynin,

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here