Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku Baaqay in Dib Loo Eego Dastuurka Cusub

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa waxay ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka cusub ee Soomaaliya kaasi oo ay sheegeen in ay ku jiraan qaladaad badan.

Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka Maxamed Xassan Xaad ayaa ka hadlayay doorashada M/waynaha dalka waxaa uu sheegay in loo baaahan yahay in loo soo doorto dalka M/wayne daacad ah howl kar ah kana bixi kara marxalada adage e dalku ku jiro dadka iyo dalkana wax u qaban kara .

Gudoomiye xaad ayaa waxaa uu ugu baaqay Golaha shacabka in ay ka fogaadaan in dalka loo soo doorto Nin aan waxba qaba Karin ama aan Mudnayn in uu hugaamiyo dalka iyagoo ka eegaya dhinacyo badan

Sikastaba Doorashada M/waynaha dalka Soomalia ayaa lagu wadaa in 10 September lagu .qabto Magaalada Muqdisho sida uu shaaciyay Gudiga Doorasha Madaxwaynaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here