Odayaal gaaraya 100 ruux oo maanta u dhoofay dalka Turkiga [codad iyo Sawiro]

Ku dhawaad 100 oday oo ka mid ah odayaal maalmihi lasoo dhaafay shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta u dhoofay dalka Turkiga.

Diyaarad ay leedahay shirkada Turkish Airline ayaa ka qaaday odayaashaan garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalana ay qeyb ka ahaayeen tiro yar oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.

[Powerpress]

Mid ka mid ah odayaal dhaqameedkan oo  lagu magacaabo Maxamuud Cali Ugaas ayaa wariyaasha u sheegay in ay u baxeen kadib marti qaad ay ka heleen dowlada Turkiga, hase yeeshee muusan faah faahin sababaha kale ee safarkooda.


Wararka qaar ayaa sheegaya in loo wadayo sidi ay usoo indha indheyn lahaayeen dareenka horumareed ee ka jira Turkiga xilli uu soo dhaw yahay shirweynaha Istanbul ee uu Turkigu marti gelin doono kaasi oo loogaga hadlayo xaalada Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha ugu horeeya ee sida weyn u daneeya arrimaha Soomaaliya.

By: Sami Addo Ahmed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Dhageyso qaar ka mid ah codka odayaasha dhaqanka ee aaday Turkey