Oday dhaqameedyo laga afduubtay Shabeelaha Dhexe

Magaalada Jowhar
Magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab 13 oday dhaqameed ay ka afduubteen deegaan lagu magacaabo Garboole, oo qiyaastii 50-km u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

Si dhab ah looma oga sababta Al-shabaab ay u afduubteen odayaashaasi, hase ahaayee dadka deegaanka ayaa SONNA u xaqiijiyey in Al-shabaab dadkaasi ay geeyeen deegaan kale oo lagu magacaabo Shaw oo katirsan gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa arintaan wal wal iyo cabsi badan ka muujiyey, mana jirto cid si gaar ah u faah faahisay sababaha rasmiga ah ee odayaashaasi loo afduubtay.

Xigasho: SONNA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here