Oday Dhaqameed Muqudisho Lagu Qafaashay

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qafaashay mid kamid ah madax dhaqameedkii soo xulay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Cabdi Xaanshi C/Salaan oo ka mid ah qoyska Odayga la afduubtay oo lagu magacaabo Suldaan Cusmaan Cadaawe ayaa ka warbixiyay Afduubka loo geystay odaygaani Soomaaliyeed qaabka loo Afduubtay, isagoo sheegay in markii la afduubanayay habeenimadii loogu yimi gurigiisaoo ku yaalla xaafadda Shiirkole isla markaana ay u geysteen jirdil ba’an.

Sidoo kale Cabdi Xaanshi ayaa waxaa uu sheegay in ay Odaygaani Afduubka u geysteen kooxo uu sheegay in ay ku hubeysnaayeen qoryaha Aakaha iyo Bistoolado, isagoo tilmaamay in ay Tiradoodu gaareyso ilaa 4 Rag ah.

Odaygaani ka tirsanaa dhaqankii soo xulayay Baarlamaanka cusub ayaana laga warheyn arinta dhabta ah ee ka danbeysay in la afduubto, balse ay haatan qoyska ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay daba gal ku sameeyaan Odaygaani la Afduubtay oo ilaa iyo haatan laga warheyn halka ay geyeen afduubayaasha.

Ilaa iyo hadda lama oga meesha lagu hayo Nabadoon Cusmaan Cadaawe iyo cidda loo aanayn karo in ay ka dambeysay afduubkiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here