Oday Da’ ah oo Lagu Toogtay Magaalada Baydhabo

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Odey da’ ah oo aan waxba arkin, kaasoo aan indhaha waxba ka arkin.

Sidad wararka aan ku heleyno Odeyga ayaa waxaa dilay Kooxo gaaraya ilaa Labo Nin, kuwaasoo ku hubeysnaa Bastoolado, waxayna dilka kadib ka baxsadeen gobta.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Zakariye, halka da’diisa ay ahayd 85 sano jir, wuxuuna ka tirsanaa Dowladii KMG ahayd ee uu hogaaminayay allaha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan, kaasoo ilaa hada ay wax ka qaban la yihiin ciidamada amaanka ee magaaladaasi, iyadoo ay jiraan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada iyo guud ahaan Gobolka Bay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here