Oday 90-jir ah oo guursaday gabar 15-jir

Dalka Saudi Arabia waxa ka dhacday wax la yaab leh taasoo aad looga qeyliyay isla markaana hey’addaha u doodad xuquuqul insaanka ay sheegeen in arrintaas wax laga qabto.

Waxa ay ahayd markii oday 90-jir ah oo waayeel ah uu guursaday gabar 15-jir taasoo ay bixiyeen waalidinteeda.

Waalidka gabadha ayaa la siiyay lacag yarad ah oo gaareysa illaa $17,500.

Arrintan ayaa caro ka abuurtay waddanka Sucuudiga oo dhan, waxana hey’addaha ilaaliya xuquuqul insaanka ay dalbadeen in gabadha laga furo odayga waayeelka ah.

Gabadha aroosada ayaa la sheegay in ay isku soo xirtay qolkii ay ku jirtay iyadoo la rabay xilligaas in dib loogu celiyo waalidkeeda.

Odayga guursaday gabadha wuxuu yiri waa sharci waana wax sax, maadam aan bixiyay lacag badan.

Gabadha dhowr intii ay arooska ahayd waxa ay isku dayday in ay soo dhuumaato laakin waalidkeeda aaya sheegay in dib loo celin doono haddii ay soo laabto.

Zuhaila Zein el-Abedin, waxa ay madax u tahay urur u doodad xuquuqda aadanaha oo ku yaalla Saudi Arabia, waxa ay sheegtay in ay ka walaacday markii ay maqashay warkan, waxana ay tiri islaamka xittaa guurka waxa uu saldhig uga dhigay labada qof in ay baalug yihiin oo wax kala garan karaan.

Waxana dhexdhexaad ah ayey tiri 18-sano.

Sannadkii 2012-ka ayaa kiis noocan oo kale wuxuu ka dhacay waddanka Morocco markii loo guuriyay gabar uu kufsaday oo jirtya 16-sano, laakin dood wayn ayey ka dhilsay dalkaas.

10-milyan oo gabdho ah oo da’doodda ay ka yer tahay 18-sano ayaa sannad kasta la guursadaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. waa shey caadi ah in dalalka carabta loo guuriyo gabdho yaryar oo lasiisto lacag iyadoo aan laweydiin gabadha ra,yigeeda ku aadan guurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here