Obama:Soomaaliya Xaq beey u leedahay ineey dhisato Ciidan daafaca

Madaxweynaha dalka Mareeykanka Brack Obama, ayaa qaaday tallaabadii ugu horeeeysay ee gargaar milatari Mareeykanka ugu fidinayo Soomaaliya.

Madaxweyne Obama, ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray Isniintii shalay ahayd lana sii mariyay xoghayaha arimaha dibada Mareeykanka John Kerry, waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay ineey hesho qalab ay isku difaacdo.

Tallaabadan ayaan ahayn mid si deg deg ah gar gaar milatari loogu siinayo Soomaaliya, laakiin ay tahay mid u ogolaaneyso John Kerry inuu ka fakarayo inuu qaado tallaabooyin nuucaas ah mustaqbalka.

Sarkaal saroo katirsan maamulka Obama, ayaa sheegay in Ogolaashiyahaasi uu qayb ka yahay caadiyeenta xiriirka Soomaaliya iyo mareeykanka.

Doowlada Mareeykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsatay doowlada Soomaaliya horaantii sanadkaan, waana markii u horeysay oo Washington ay aqoonsato doowlada Soomaaliya tan iy sanadkii 1991.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd, markii golaha amaanka uu qayb ahaan qaaday cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya saarneyd, si gacan loo siiyo Ciidamada doowlada Soomaaliya, ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here