Obama: “qatar weyn ayaa kasoo foodleh Soomaaliya”

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in Soomaaliya, ay qatar weyn adduunyada uga soo socdo, haddii aan laga hortagin.

Madaxweynaha oo warqad u diray 20kii bishaan Luulyo Kongreeska dalkiisa, ayaa ku sheegay Soomaaliya in ay ku sugan yihiin dagaalyano ka tagay dalalka Afghanistan iyo Pakistan, kuwaasoo qataro gobalka iyo aduunka intiisa kale ku leh.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale, sheegay in laga maarmaan ay tahay, in dhibaatadaas ka soo socoto Soomaaliya, laga hortago, haddii kale adduunka oo dhann ay saamen u yeelan doonto.

Wuxuu sheegay , in arrintaas ah siddii wax loogu qaban lahaa ay kala kaashan doonaan dalalka dariska iyo kuwa caalamka ee sida dhow ula socda xaaladda Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka, ayaa ku soo adaayaa iyadoo , dhawaan magaalada Afgooye oo laga qabsaday Al-Shabaab lagu arkay ciidan British ah oo la bisan dharka ciidamada, oo la socda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa horey loo sheegay in saraakiil Mareykanka oo ka socda hey’adda mukhaabaraadka dalkaas ee CIA-da ay ku sugan yihiin Muqdisho, isla markaana ay xabsi qarsoodi ay ka dhisteyn meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here