Obama oo sheegay inuu ciidamo la dagaalamo ISIS u diraayo Syria

obamaMaraykanka ayey hada askar gaareysa 50 ka joogaan gudaha Siiriya, kuwaasi oo gacan siinaya kooxaha la dagaalamaya Daacish. Askartaasi ayaa hawshoodu tahay inay hagaan diyaaradaha duqeynta ka wada dalkaasi.

Ciidamadan ayaa lagu xoojinayaa kuwii horey u joogay Siiriya si loo balaariyo duqeynta ku aadan kooxda Daacish oo weli gacanta ku heysa dhul badan oo kamid ah waqooyiga Siiriya iyo Ciraaq.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Maraykanka ayaa jariirada Washington Post u sheegay in arrintan uu ku dhawaaqi doono maanta Madaxweynaha oo ku sugan dalka Germany.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo hada ku sugan dalka Germany ayaa maanta kulan laleh hogaamiyayaasha dalalka Germany, France iyo Italy oo ay ka wadahadli doonaan arrimaha la dagaalanka Daacish iyo qaxootiga ka imaanaya wadanka Siiriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here