Obama oo sheegay in 34,000 Ciidanka Mareykanka Laga soo saari doono Afganistan 2014

Madaxweynaha wadanka Mareeykanka Brack Obama, ayaa ku dhawaaqay in 34,000 oo Ciidanka Mareeykanka laga soo saari doono Sanadka soo socda qudbadiisii ugu horeesay tan iyo markii ugu horeesay ee loo dhaariyay xilka mudada afarta sano ee soo socota, Obama waxa uu shegay in marka la gaaro sanadka 2014 dagaalka Mareeykanka uu soo idlaan doono.

Mareeykanka waxaa hada Afgaanistaan kaga sugan Ciidamo gaaraya ilaa 66,000, waxaana lagu wadaa in tiradaas uu hoos u dhigo tan iyo inta laga gaarayo 2014.

Obama, waxa uu sheegay in marka la gaaro 2014 doorka Ciidamada Mareeykanka uu ku ekaan doono ineey taageeraan Ciidamada Afganistan ee furumaha ku sugan.

“Waxaan dadka Mareeykanka u sheegayaa in 34,000 oo ciidankeena kamid ah aan dib uga soo saari doono wadanka Afgaanistan-sidaasna waxaa kusoo idlaan doona dagaalkii aan ka wadnay Afganistan” sidaa waxaa yiri madaxweyne Obama.

Inkastoo Obama uu sheegay in dhamaadka Sanadkaan uu Ciidamadiisa kala soo bixi doono Afganistan, hadana ma uusan sheegin tirade ku ku hari doonto wadankaas, kuwaasoo sida uu sheegay taageero dhanka tababarka ah sii siin doona Ciidamada Afganistan.

Qatarta Al-qacida:

Obama, ayaa ku cel celiyay in Mareeykanka uu waajib ku yahay inuu taageero xulufadiisa si looga hortago qatarta Al-qacida kuwaasoo kusoo badanaya Jaziiratul Carab iyo waqooyiga Afrika, Obama waxa uu sheegay inusuan Ciidamo farabadan udiri doonin meelahaas.

“Looma baahno inaan kumanaan wiilasheena iyo gabdhaheena katirsan aan markale u dirno ineey ku duulaan wadan, taas badalkeeda waa inaan taageernaa dowladaha gobolka, sida Yeman, Somaliya iyo Libya kuwaasoo dagaal xoogan kula jira Al-qacida iyo kooxo is bahaystay” sidaa waxaa yiri Madaxweyne Obama.

Fariin ku wajahan Bariga-dhexe:

“Waxaan garab istaagi doonaa muwaadiniinta ku nool Bariga-dhexe kuwaasoo dalbanaya xuquuqdooda aas aasiga ah, waxaan taageeri doonaa is badalada dimoqraadiyada ku dhisan ee halkaas ka hana qaaday” ayuu yiri Obma, oo ka hadlayay arimaha Bariga-dhexe.

Mar uu soo hadal qaaday xaalada Syria, waxa uu madaxweyne Obama yiri: “waxaan sii kordhin doonaa cadaadiska aan ku hayno maamulka Asad, kaasoo dilaya shacabkiisa, waxaana taageeri doonaa hogaanka mucaaradka kuwaasoo ilaalinaya dhamaan xuquuqda muwaadiniinta Syria”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here