Obama Oo Morsi Ugu baaqay inuu ilaaliyo dimoqraadiyada Masar

Madaxweynaha dalka Mareeykanka Brack Obama, ayaa madaxweynaha dalka Masar Morsi ugu baaqay inuu ku dadaalo ilaalinta dimoqraadiyada Masar, iyo inuu xaliyo dhibaatooyinka islamarkaasna lagaaro heshiis siyaasadeed una dhaxeeya qaybaha axsaabta kala duwan ee dalkaas.

Afhayen u hadlay aqalka Cad ee Mareeykanka, ayaa sheegay in madaxweynayaasha Masar iyo Mareeykanka ay qadka taleefanka ku wada hadleen habeenimadii talaadada ee lasoo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay aqalka cad ee Mareeykanka ayaa lagu yiri: “madaxweyne Obama waxa uu rajeeynayaa in Morsi uu madaxweyne u noqdo dhamaan qaybaha kala duwan shacabka Masar, dhaman uu ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin dadka diimaha kala duwan haysta ee halkaas ku nool….”.

Obama, ayaa doowlada Masar iyo axsaabta mucaaradka ah ugu baaqay ineey gaaraan xal siyaasadeed, si wadanka Masar looga saaro dhibaatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here