Obama oo Billad gudoonsiiyay “Michael Jordan”

Obama oo Bilad gudoonsiiyay JordanMadaxweynaha waqtigiisu dhamaaday xilkana kasii dagaya ee dalka Mareeykanka Brack Obama, ayaa waxa uu xalay Abaalmarinta Xoriyadda ‘Medal of Freedom’ guddoonsiiyay shaqsiyaad Mareykanka wax ku soo kordhiyay oo isugu jira Ganacsato, Fannaniin, Atoorayaal, Weriyeyaal, Ciidan iyo Ciyaartooy.

Munaasabadaan oo aad u heer sarreysay ayaa Madaxweynaha talada Mareykanka ka sii degaya dadka uu billadda u xiray waxaa ka mid ahaa Milkiilaha Shirkadda Microsoft ahna Maalqabeenka ugu dhaqaalaha badan caalamka Bill Gates, Atooreyaal ay ka mid yihiin; Cicely Tyson, Tom Hanks iyo Robert De Niro iyo weliba ciyaartooy Kubadda Koleyga magac dheer ku lahaa sida Kareem Abdul-Jabbar iyo Michael Jordan.

Fanaanadda Dianna Ross oo 72 jir ah iyo Gabadha Barnaamij Telefishineedka daadihisa ee Ellen Degeneres ayaa ka mid ahaa dadka loo xiray billad Madexeedka Xoriyadda ee 21-aad.

Obama ayaa isagoo kaftamaya waxa uu yiri “Michael Jordan (MJ) waa uu ka weyn yahay sawir yar oo lagu maadsado oo isagoo ooynaya la soo dhigay Internet-ka, qof walba wuu garanayaa Jordan hal MJ ayaa jira waana midkan howshiisa si wacan u gutay”.

By Rashka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here