Obama iyo Putin oo ku baaqay dhameynta rabshadaha Syria

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka oo ku baaqay in si dhaqso ah loo soo gaba gabeeyo dagaalada iyo rabsahdaha ka aloosan dalka Suuriya.

War saxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen labada dhinac kadib kulanki ugu horeeyey oo ay yeesheen tan iyo marki madaxweyne Putin la caleema saaray ayey ku sheegeen in ay rumeysanyihiin in dadka reer Suuriya ay tahay in ay go,aan ka gaaraan mustaqbalkooda.

Labada dal ayaa ku kala aragti duwanaa sida loo wajahayo arrinta dalka Syria ee qasan mudada sanadka ah, Rushka iyo China waxay is hortaageen qaraar uu Mareykanka iyo France wateen oo ahaa in Syria lagu sameeyo fara gelin milatari.

Kulanka dhex maray labada madaxweyne ayaa dhacay inti uu socday shirka kooxda G20 oo ka dhacay magaalada Los Cabos ee dalka Mexico, waxana uu imaanayaa xilli ay soo baxayaan in laba markab oo kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay Ruushka ay ku wajahanyihiin Syria.

Suuriya ayaa waxaa wali ka socda gowraca lagu hayo shacabka, waxaana ugu danbeeyey 52 ruux oo lagu dilay qalalaasihi ugu danbeeyey ee shalay.

1 COMMENT

  1. These devil kufrs are on the side of each other, dont be fooled. Allah has warned us that one will pretend to be on the side of the Muslims but in secret they are on each others side and are planning the destruction of the muslims.

Comments are closed.