Nuur Cade: ‘Waan la hadlay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Ukraine’

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo dalka Talyaaniga Ambassador Nuur Xasan Xuseyn (Nur Cade) ayaa sheegay inuu wado dadaalo uu wax uga qabanayo dhibaatada heysato qaxooti Soomaaliyeed.

Dalka Ukraine ayaa waxaa in muda ah ku go,doonsan oo xiran in ka badan 80 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo si sharci darro ah ku galay iyaga oo doonayey in ay uga sii gudbaan Galbeedka Yurub.

” Waxaan mar dhaw la hadlayey qaxooti ku xir xiran wadanka Ukrain, waa 81 ruux oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasi oo soo tahriibay dhibaatooyin badanna sheeganaya, marka dhibka wuu badanyahay waxaan rajeynayaa in aan ku guuleysan doono sii deyntooda” ayuu yiri.

Dhanka kalana waxa faah faahiyey dhibaatada ay qabaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Talyaaniga kuwaasi oo lagu sheego kuwa uga badan ee ay heysato dhibaatada qaxootinimo ee Qaarada Yurub.

“Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga dhibaato weyn ayey qabaan, Talyaaniga kaliya ma ahan meelo badan ayey ka jirtaa, qaxootiga inta badan halkaan ayey kasoo bilowdaan sababtuna waxa waaye Talyaaniga wuxuu siiyaa Soomaalida tixgelin fiican laakin daryeelki kale ayaa meesha ka maqan.”

Nur Cade oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa gaba gabadi ka hadlay dhibaatada faraha laga qaado qaxootiga ay u keento.

“Waxaa jira faro, faraha ayaa laga qaadaa kadibna waxaa dhacda in farihi ay soo baxaan dalalki ay tagaan kadibna dib ayaa loo soo celiyaa kadib mudo, marka waxa taasi ay keentaa in dhibaatada ay kusii kordho Soomaalida,” ayuu yiri.

Dalka Talyaaniga ayaa ah halka ugu badan ee ay ka galaan Soomaalida Yurub, waxaana loogaga qaadaa faro, taasi oo keento in dib loogu soo celiyo mudo kadib marka ay galaan dalal kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.