Nuur Cadde oo Baaq u Jeediyey Dowladda Cusub

Kadib markii ay soo kordheen dhibaatooyinka dalalka Yurub loogu geystay qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Nuur Xassan Xuseen Nuur Cadde safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga.

Nuur Xasan Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo soo wajahado dadka tahriibayaasha Soomaalida ee ku tahriibo biyaha u dhexeeya Libya iyo Taliyaaniga.

Nuur Cade ayaa tilmaamay in dhibaato badan ay la kulmaan Soomaalida soo tahriibto sida iyagoo ku dhibaatooda Biyaha u dhexeeya Libya iyo Taliyaaniga.

Safiir ayaa ugu baaqaydhalinyarada Soomaaliyeed in ay iska joojiyaan tahriibka isla markaana ay dalkooda dib u dhistaan kana shaqeeystaan horumarka dalka.

Nuur Cadde ayaa kula dar daarmay Dowladda Soomaaliya in ay wax badan ka qabato dhibaatooyinka dalka isla markaana ay shaqo abuuris u sameyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

Badda u dhexaysa Libya iyo Taliyaaniga ayaa waxaa ku tahriiba boqolaal Soomaali ah kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan kala kulma badda ay ku safraan halka qaarkoodna ay ku geeriyoodeen badda.

Hadalka Nuur Cadde waxa uu kusoo aaday xilli Dowladda Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG ahaa isla markaana rajo weyn laga qabo in ay wax badan ka qabato dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here