NUSOJ oo u dabaaldegtay Maalinta warbaahinta Soomaaliya

Ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ iyo ururka dhalinyarada YUSOM ayaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay tartanka dhanka kubada cagta ah oo aad u xiisabadnaa, laguna maamusayay 21 january oo ah “Maalinta warbaahinta Soomaaliyeed” iyadoo ay ku soo beegmayso xili xaalad adag oo isugu jirta xarig, dil iyo tacadiyaba ay ku dhex shaqeeyaan warbaainta Soomaaliyeed.

Hal ku dhagyada lagu soo bandhigay ciyaartaasi oo ka dhacay garoonka Pumwani ee xaafada Islii ayaa waxaa kamid ahaa, Jooji dhibaataynta warbaainta” Garwaaqso in warbaahintu ay bulshada u horseedo horumar iyo nabadgelyo” kuwii ka dambeeyay dilkii Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis waa in la horkeenaa cadaalada iyo erayo kale.

Munaasabad ciyaarta ahayd ayaa waxaa loo qabtay labo kooxood oo ku kala ciyaarayay magacyada ururka xusufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo YUSOM , iyadoo Masuulyiintii ka soo qayb gashayna ay kamid ahaayeen Xildhibaano ay ugu horeeyeen Xildhibaan Cawad Axmed Casharo, oo ah madaxa warfaafinta baarlamaanka Soomaaliyeed, Xildhibaan Xuseen Maxamed Maxamuud Gaagaale, masuuliyiin saxaafada soomaliya magac ku leh oo ay ka mid ahaayeen Mulkiilaha idaaacada Danan Maxamed Barre Haaji Cumar “Fiyoore “ Daa’uud Cabdi Daauud, Xasan Cali Geeseey iyo Mudane C/qaadir Jeylaani agaasimaha guud ee idaacadaha Frontier iyo Radio Salaam, Gudoomiyaha SYAO Maxamed Ibrahin Cali Cajiib, macalimiin rug cadaa sport ah oo uu kamid ahaa Muxiyadiin Cambar Khamiis, macalin Maxamed Dumeniko ,laacibkii xulkii kooxda kubada koleyga soomaaliya C.casiis ibraahim Aayaroow iyo dadweyne kale.

Ugu horeyn waxaa furitaankii ciyaartii ka hadlay xoghayaha tababarada ee NUSOJ Maxe’d Gaarane Aadan waxana uu si wayn uga hadlay dhibka lagu hayo wariyayaasha somaliyeed isagoo sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee lagu hayo wariyayaasha soomaliyeed.

Maxamed Barre Haaji Cumar “Fiyoore “ Fiyoore oo isna ah mulkiilaha radio Danan oo furitaankii ka hadlay ayaa sheegay in tacadiyada wariyaasha loo gaysto aysan ahayn wax hada soo bilawday laakiin loo baahanyahay in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkii Allaha u naxariistee Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis, ayna wariyayaasha Soomaaliyeed is taageeraan si ay uga hortagaan wax kasta oo lid ku ah.

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ah madaxa guddiga warfaafinta baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa bahda warbaahinta kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda, isagoo ku amaanay sida geesinimada leh ee ay ugu bareereen in ay dalkooda iyo dadkooda garab istaagaan.

Najax Axmed Xuseen oo dhinaca saxaafada u qaabilsan ururka YUSOM ee midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa u mahadcelisay dhamaan masuuliyiinta ka soo qeybgashay tartankaasi, waxaana ay sheegtay in loo baahanyahay in dhalinyarada iyo saxaafadda ay iska kaashato sidii wax looga qaban lahaa tacadiya ka dhanka ah warbaahinta.

Gabagabadii tartan ayaa waxaa hadyado kala duwan goobta lagu guddoonsiiyay kooxihii ciyaaray oo wajiyadooda ay ka muuqanaysay farxad iyo rayn raayn.

Maxamed Jayte
Nairobi, Kenya

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.