Nusoj oo Sheegtay inay Dadaal Ugu Jirto Sidii loo Soo Deyn lahaa Wariye Ibraahim oo Maalintii Afaraad Xabsi ku Jira

Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan oo khudbad ka jeedinayey munaasabad ka dhacday magaalada muqdisho ayaa sheegay inay wadaan dadaal lagu soo deynayo Wariye Ibraahim Maxamed Adan oo xabsi ku jira.

Bakistaan waxa uu sheegay inay dhexda uxiranayaan sidii wariyaha Bbc-da ee magaalada Muqdisho wakiilka uga ahaa inay soo daayaan.

“Wariyaha dambi uu galay ayaa loo heystaa,waxaan ku dadaali doonaa inan kasoo weecino maxkamada meliteriga uu ku xiran yahay loona soo wareejiyo maxkamada rayidka ah ayuu yiri Bakistaan”.

Wariye Ibraahim Maxamed Adan ayaa xabsiga ku jira maalintii afaraad kaasi oo loo heysto war uu baahiyey kadibna maxkamada ciidamada qalabka sida ay sheegtay inuu been abuur yahay.

Maxamed Ibraahim Isxaaq (Bakistaan) oo ah xoghayaha Ururka Saxafiyiinta qaranka Somaliyeed ayaa sheegay inay ka codsanayaan taliska maxkamada ciidamada qalabka sida inay iska soo daayaan wariye Ibraahim khaladkana uu qofka ka dhici karo.

Wakiilka Bbc-da muqdisho ayaa waxa uu ku xiran yahay xabsiga dhexe ee Xamar waxaana iyadu wali ka hadlin Hay’ada warbaahineed ee BBC-da uu ka shaqeynayey mana cada xaaladiisa waxay ku dambeyn doonto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here