NUSOJ oo cambaareysay xadhiga lagula kacay weriyaha Royal TV ee magaalada Boorama

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xariga loo geystay Axadi shalay aheyd weriyaha telefishinka Royal TV 24 uga soo warama magaalada Boorama.

Ciidamada amaanka ee Magaalada Boorama ayaa xabsiga dhigay weriyaha Telefiishanka Royal TV uga soo waramaya Magaaladaas Yuusuf Cali Indha-qurux,iyada oo aanay hayen warqad sharciyaysan oo loo adeegsaday qabashadiisa.

Suxufigan oo ilaa wakhtigan ku jira xabsiga, ayaa la aaminsan yahay in loo haysto maqaal uu toddobaadkan kaga hadlaya musuqmaasuq la sheegay in uu hadheeyay urur Wadaniya oo la aaminsan yahay in uu lunsaday mashaariic loogu talagalay gobolka Awdal.

Xoghayaha Guud ee ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Maxamed Ibrahim ayaa waxa uu cambaareeyay falka lagu xiray weriyaha, isla markaana ka dalbaday dowladda Somaliland inay si deg deg ah u sii deyso weriyaha.

“Waa Sharci darro in la xiro weriye iyadoo aan maxkamadi xirin, waxaana cambaareyn midda ugu xoogga badan aanu cambaareyneynaa falkaas.” Ayuu yiri Maxamed Ibrahim, Xoghayaha guud ee NUSOJ.


Sidoo kale, waxaa falkaa xadhiga ah cambaareeyay xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxaana ka dalbaday dowladda Somaliland in deg deg ah u sii daayaan weriyaha.

Weriyayaasha ka hawlagala gobolka Awdal ayaa la kulma dhibaatooyin kaga yimaada dhinacyo badan oo ka soo oo aan la dhacsanayn waaqiciga ay ka waramayaan,iyada oo qaar badan ka mid ahi xabsiga ku jiraan muddo dheer xukun maxkamadeed la,aan, halka ay kuwa kalena la kulmeen tacadiyo joogta ah.

Xigasho: Ururka NUSOJ

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.