NUSOJ oo cambaareysay wariyeyaal lagu laayey shalay Baydhabo

NUSOJ LOGOSuxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ Oo Warsaxaafadeeda ka soo saaray qarax galinkii danbe ee shalay ka dhacay magaalada baydhabo Ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa ku Geeriyootay 2 Laba Suxufi 3 saddex kalana wey ku dhaawacmen halka 1 mid kalane la layahay kuwasi oo ku sugnaa goob shaaha lagu cabo kuna dhow xafiiska xawaalada Dahabshiil Ee Magaalada baydhabo xarunta gobolka baay abaare saacada afrikada barri markii ay aheyd 5:30 daqiiqo waana dhacdadii ugu weyneed oo ay suxufiyiin intaasi la ek ay Hal goob ku geeriyoodan kuna dhaawacmaan sanadkani 2014.

Suxufiyiinta Geeriyoday waxay kala Yihiin, Cabduqaadir Axmed Mayow Oo ahaa Wakiil wareedkii talafishanka Somalichannel, Maxamed Isxaaq Barre Oo ahaa Camermankii Kalsan Tv, halka sidoo kale Suxufiyiinta Qaraxa ku dhaawacantay ay kala Yihiin, Cabduqaadir Xasan Jookar Oo ah Wakiilka Tlafishanka Kalsan,Cabduqaadir xasan Iyeeyow oo ah Wakiilka Talafishanka Somali sat iyo Maxamed Aadan Maxamed Oo Ah Wakiilka Radio Asal.

Cabduqaadir Barre Oo Ka mid ah Suxufiyiinta Radio Baydhabo ayaa qadka talefanka ugu sheegay NUSOJ in labada wariye ay ku geeriyooden Qaraxa ismiidaminta ah ee ka dhacay goobta shaaha lagu cabo ee ku dhow xafiiska dahabshiil ee magaalada baydhabo.

Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah Xoghaayahay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ ayaa waxa uu ugu Baaqayaa Dowlada iyo Dhamaan Dhinacyada ay Quseyso Dhacdadaani in ay Baaran cidii ka danbeysay in Suxufiyiinta Geeriyoday ay sidaasi arxan darada ah ay u geeriyoodan sharcigana la horkeeno.

Dilka labada Suxufi Ee Magaalada Baydhabo ayaa Tirada Suxufiyinta Sanad kani waxay Tirada ka Dhigeysaa 5 Shan suxufi.

1 COMMENT

  1. Arintaan waa in la baaraa Ciddii ka dambeysay dilka Wariiyayaasha Soomaliya. sababtoo ah wariyaha Waa u adeegaha Shacabkka, wax la aqbali karo-na maaha in Qof muwaadin ah si xaqdarro ah loo dilo.

    Waa in cadaaladda la horkeena kuwa caadeystay Dhiiga Muslimka iyo in Qof si xaqdarro ah lagu dilo. iyaddoo ay og yihin Falka ay sameynayaan inuu yahay mid umadda u horseedaya Fasahaaad. wal cayaadu bilaahi.

    Dowlaadda waxaan ka codsanayenaa in baaritaan sax ah la sameeyo, CADAALADDA-na la horkeeno dadka ka dambeya dilka wariiyayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here