Nuri Sahin Oo Qaab Amaah Ah Ugu Biiray Kooxda Liverpool

Ciyaariyahanka naadiga kubada cagta ee Real Madrid iyo xulka qaranka dalka Turkiga Nuri Sahin ayaa qaab amaah ah ugu biiray kooxda Liverpool ee dalka Ingriiska.

Xidigan ayaa la sheegin lacagta uu ugu biiray naadiga balse waxey saxaafada shaacisay in xidiga uu ku biiray naadiga Reds-ka.

Nuuri Sahin ayaa noqday xidiga ugu hadal heenta badan suuqa kala iibsiga ciyaartooyda, Sahin ayaa kooxda Madrid qadka dhexe ugu maamuli jiray kubada isagoo markii danbe boos joogto ah ka waayay kooxda.

Xidigan markii hore naadiga Madrid waxey kala soo wareegtay naadiga reer Jarmal ee Borussia Dortmund isagoo number-ka sideedaad u xiran jiray.

Sahin mar uu saxaafada la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku qanacsan la joogtinaaka kooxda Liverpool.

“Waan ku faraxsanahay halkan lajoogtinaaka Liverpool aad ayeey ii dhiiri gelineysaa” sidaasna waxaa website-ka naadiga Liverpool u sheegay Sahin.

“Nuri ayaa ah xidig dhaxda ku wanagsan waxuuna u qaab ciyaareed egyahay xidiga Xavi Harnandez sida uu sheegay Xabi Alonso xidiga Dhexda ugu ciyaaro Real Madrid.

Xidigii hore kooxda Reds-ka Xabi Alonso ayaa ku waaniyay Sahin in uu ku biiro kooxda Liverpool.

“Alonso aya igu waaniyay imaatinka halkan waxuu i yiri ku biir Liverpool waxaad ka helee taageero ku jeclaado dad wanagsan iyo xidigo ku qadariya waxaadna ka helee boos joogto ah sidoo kale waxaad noqoneya nin laf dhabar u ah kooxda” sidaas waxaa website-ka Liverpool.com u sheegay Nuri Sahin.

Sahin ayaa dhashay sanadii 1988 da’diisa hada waa 23 jir waxuu ku dhashay magaalada Lüdenscheid, West Germany waxuu u soo ciyaaray kooxaha Borussia Dortmund, Real Madrid isagoo hada qaab amaah ah ugu biiray naadiga faca weyn ee Liverpool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here