Nugaal iyo Kar-kaar oo isugu soo haray finalka koobka Gobolada Puntland

Wareega afar dhamaadka tartanka ciyaaraha gobolada Puntland ayaa shalay soo gaba gaboobay iyadoo ay garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe isaga hor yimaadeen Mudug iyo Kar-kaar oo hal koox laga sugayey.

 

Shan iyo Afartankii daqiiqo ee loogu talagalay Ciyaarta ayaa qeybteedii koowaad waxay ku soo dhamaatay goolal la’aan ay laba xul ku kale nasteen.

 

Hase ahaatee markii ay dib garoonka isugu soo laabteen oo ay billaabatay shan iyo afartankii daqiiqo ayaa usura gashay xulka kar-kaar inuu hello banalti ama lug ku laad taasi oo uu u dhaliyaya ciyaaryahanka Numbarka Shanaad u sita Kar-Kaar.

 

Iyadoo ay socotay isla qeybti dambe ee ciyaarta ayaa dhinaca kale waxaa u suura gashay Mudug inuu helo isagana lug ku laad ama banalti taasi oo uu Mudug u dhaliyay Ciyaaryahanka Mudug u sita Numbarka 11 aad ee John.

 

Sidaa oo ay ahayd ciyaarta ayaa iyaddoo ay ku dhow dahay qeybtii gaba gabada u suura gashay Kar-kaar inuu Helo goolkii guusha oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka numbar 10aad sidaasina ayay ciyaarta ku soo dhammaatay.

 

Xulka Kar-kaar ee galabta guusha ka gaaray Mudug ayaa waxaa sugaya xulka Nugaal oo isaga usoo gudbay wareega Finalka ka dib markii uu ka soo badiyay xulka Sannaag.

 

Maalinta axada ah ayaa loo balan san yahay in la qabta Finalka koobka tartanka ciyaaraha gobolada Puntland ee dhawaanahaan ka soconayay garoonka Mire Awaare ee Garowe,Iyaddoo Ciyaartaasi ay isaga hor imaan doonaan Nugaal iyo Kar-Kaar.


By: Cumar Maxamed Soomane

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.