NISA oo xabsiga dhigtay Wariye & Sawir-qaade u shaqeeynayay Al Jazeera

hamsaWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in ciidamada Nabadsugida ay xabsiga u taxaabeen Wariye & Sawir-qaade u shaqeeyay Telefeshinka Caalamiga ah ee Al Jazeera.

Wariyaha la xiray oo lagu magacaabo Xamza Mohamed iyo Sawir-qaadihiisa ayay ciidamadu ka qabteen duleedka Muqdisho xili ay magaalada soo galayeen.

Maxamed Ibraahim macalimuu, oo ah xoghayaha guud ee urur NUSOJ, ayaa xaqiijiyay xariga wariyaha.

Majirto wax war ah oo kasoo baxa Nabadsugida oo la xiriirta sababta ay u xireen Wariyaha iyo Sawir-qaadaha Al Jazeera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here