NISA oo fashilisay weeraro ay Al-shabaab kusoo qaadi rabeen dekeda Muqdisho

dekeda 11Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay shaaca ka qaaday inay fashilisay weeraro abaabulan, oo ay Xoogaga Ururka Al Shabaab doonayeen inay ku qaadaan Dekedaha Wadanka, kuwooda ugu muhiimsan.
Hay’adda Nabad Suggid, ayaa sheegtay inay ka war heshay weerarada ay damacsanaayeen Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ka hortagtey inay beegsadaan ilaha dhaqaalaha ee dalka ugu muhiimsan.

Wakaaladda Wararka Somaliya (SONA) oo soo xiganaysa Hay’adda Nabad Suggida, ayaa qortay in Xoogaga Shabaabka ay walaac ka muujiyeen in NISA ay isu diyaarisay ka hortagga weeraradaasi.

NISA, ayaa SONA u sheegtay in Shabaabku ay dib ugu laabteen deegaanadii ay iska soo abaabuleen, maadaama ay NISA ka war heshay weeraradii ay soo qorsheeyeen.

NISA ma sheegin Dekedaha rasmiga ah ee ay Ururka Al Shabaab doonayeen inay weeraraan, marka laga soo taggo Dekedaha Somaliya kuwooda ugu muhiimsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here